Booliska ayaa u yeeray siyaasiyiin kala duwan si ay uga hadlaan dilal ka dhacay degaanka Matungu.

Labo kooxood oo qowleysato ah ayaa xaafadaha degaankaasi xaqbarkii ku dila dadka degaanka.

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay halkaasi bilihii la soo dhaafay iyada oo sidoo klae lagu dhaawacay dad badan.

Dilalka ayaa lala xiriiriyey koox argagixiso ah oo lagu magacaabo 42 brothers.

Waxaa la sheegay in kooxdani argagaxisada ah ay ka soo aasaasantay magaalada Kisumu halkaasi oo ay dad mas’uuliyiin ah ku dileen dhammaadkii 2018-kii, waxaa sidoo kale dilal ay ka fuliyeen degaannada Butere, Mumias iyo Mulwanda ee ku yaal kowntiga Kakamega.

Marka loo eego booliska ayaa waxaa la soo xiray dad badan oo laga shakisan yahay iyada oo uu ku jiro nin 34 jir ah oo laga shakisan yahay in uu yahay hogaamiyihii kooxda 42 brothers.

Kownti Kaamishinaaga Kakamega Abdulrizak Jaldesa ayaa sheegay in weli la baarayo kooxdan halista ah ee 14 and 42 brothers.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here