Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii in wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ay socon karayaan xitaa haddii muddo kadib la arkay Washington oo kordhisay Taarifyada laga qaado badeecooyinka ka yimaada wadanka Shiinaha, hadalkan ayaa uu ku dhawaaqay Trumop xilli u iska ilaalinayey in ay sii kororto xurgufta labada wadan u dhaxeysa ee xagga dhaqaalaha.

Hadalkani oo uu madaxweyne Trump ku soo qoray bartiisa bartiisa twitterka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday wadaxaajoodyo maalmihii ugu dambeeyay u soconayey wakiilka ganacsiga ee Mareykanka Robert Lighthizer, wasiirka maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi Shiinaha Chinese Liu He.

Mareykanka ayaa taariifyo ama dul canshuureed oo dhan 200 bilyan ku kordhiyey candhuurtii uu ka qaadi jirey badeecooyinka Shiinaha taasi oo wel wel badan ku keentay suuqyada dalka Shiinaha iyo guud ahaan dagaalkii dhaqaale ee dhex marayey Shiinaha iyo Mareykanka oo ah labada dhaqaale ee ugu balaaran caalamka.

Shiinaha ayaa la filayey in ay intaa kadib aargoosi ku dhaqaaqaan.

Madaxweyne Trump ayaa difaacay taarifyada xukuumadiisu soo rogtay waxaana uu sheegay in aysan jirin wax isdedejin ah oo arrintan la xiriirta isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga wada hadlo wixii dhibaato u keeni kara ganacsiga labada wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here