Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee dalka Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale degaannada dowlad goboleedyada dalka ayaa qaarkood imtixaanaadka shahaadiga ahi loo fariisan doonaa.

Ardey tiradoodu ku dhowdahay ilaa 31,500 ayaa wasaaradda waxbarashadu sheegtay in ay u fariisinayaan Imtixaankaasi.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in 71 goobood oo ku yaalla caasimadda Muqdisho iyo 34 goobood oo ku yaalla deegaannada dowlad-gobolleedyada lagu kala qaadayo Imtixaanka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir) ayaa sheegay muhiimadda uu imtixaanaadku u leeyahay ardeyda Soomaaliya, waxa kale oo uu sheegay in ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba la gaarsiiyey imtixaanaadka, waxaa uu ka digay in ardeyda ay isticmaalaan taleefannada gacanta si ay u helaan su’aalaha jawaabahooda.

Imtixaanadani shahaadiga ah ayaa waxaa ilaalinaya ciidammada booliska qaranka.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here