Dibadbaxayaasha ayaa ka koobnaa suuqley diidan in laga qaado canshuuro dheeri ah oo dowladda kowntigu dul dhigtay..

Isku socodka gaadiidka ee wadada u dhaxeysa Garissa iyo Nairobi ayaa la gooyey kadib markii maalinimadii shalay ay ganacsato careysan ay isugu yimaadeen suuqa ganacsiga ee Madogo halkaasi oo ay wadada weyn ku xireen.

Sababta wadada ay u xireen ayaa lagu sheegay in ay aheyd in ay ka dibadbaxayeen canshuuraad dheeri ah ay soo rogtay dowladda kowntiga Gaarisa.

Waxa ay sidoo kale dibadbaxayaashu soo daliishadeen in la dhibaateeyay isla markaasina saraakiisha qaada canshuuraadka ay ka dhaqaaqi waayeen dukaamada iyo goobaha ganacsiga oo ay lacago dheeraad ah mar waliba weydiinayaan ganacsiyada.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in shacabka aan dhiibi karin lacagaha loo taxaabo xabsiga kadibna maxkamad looga qaado lacago kale oo badan.

Dadweynaha isugu soo baxay wadada isku xirta Gaarisa iyo Nairobi ayaa sheegay in 10 beri gudahood 15 ganacsatada suuqyada ahi la xiray waxaana uu sheegay in ganacsatadaasi dan yarta ah dhammaantood ganaax laga qaaday.

Peter Muthee oo ka ah dukaanle badarka iibiya ayaa sheegay in shacabku ay waayeen cid u hiilisa ama kala dhex gasha iyaga iyo madaxda waxaa kale oo uu tilmaamay in khasab ay noqotay in loo hogaansamo amarka saraakiisha.

Muthee ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in hal dukaan labo leysan loo sameeyo isla markaasina waxa uu ka biyo diiday in canshuura dheeri ah la dul dhigo ganacsigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here