6 qof oo qaxooti ah ayaa lagu dhaawacay 30 kalena waa la xiray kadib markii gadood uu ka dhacay xafiisyada hey’adda qaxootiga ee UNHCR ay ku leedahay degmada Westlands ee caasimadda Nairobi.

In ka badan 200 oo qof oo qaxooti ah ayaa hor degay isla markaasina guryo ka sameystay afaafka hore ee xafiiska weyn ee UNHCR ee Nairobi halkaasi oo la sheegay in ay ku sugnaayeen wax ka badan 7 bilood ee ugu dambeysay.

Dadkani ayaa la sheegay in ay halkaasi u degeen sababo la xiriira gadood ay ka sameynayeen hey’adda UNHCR oo aan muddo badan siinin xuquuq ay ka tirsanayeen waxaana ay qaxootigani u badnaayeen kuwo ka soo barakacay wadanka Koongo.

Ilaalada G$S ayaa dalab u dirsaday booliska dalka kadib markii la sheegay in qaxootigu ka tan badiyeen saraakiishii G4S ee waardeiyeynaysay xafiisyada. Mar qur ah ayaa laga war helay laad, feer iyo garaacis lagu bilaabay qaxootigii halkaasi joogey waxaana markii gacnaha la iskula tegay la isku adeegsaday gaaska indhaha ka ilmeysiiya iyo cinjirka boolisku u ridaan sida rasaasta kaasi oo lagu kala ceyrinayey dadkii halkaasi ku xoonsanaa.

Markii dambe waxaa la arkayey saraakiisha G4S oo dab qabadsiiyey alaabtii ay qaxootigu lahaayeen kadib markii qaxootigii ay kala carareen.

Hogaamiyihii gadoodka oo lagu magacaabey, Moses Bazira, ayaa sheegay in boolisku dhaawacyo u geysteen jirkiisa.
Bazira ayaa sheegay in ay xafiiska hortaagnaayeen tan iyo Isniintii la soo dhaafay isla markaasina ay filayeen in ay warbxin ka dhageysato u qeybsanaha UNHCR country ee Kenya iyo kaamishinaerka arrimaha qaxootiga qaabilsan balse xaaladan ay ka warheleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here