Amina Mohamed, wasiirka Isboortiga

Wasiirka wasaaradda Isboortiga marwo Aamina Maxamed ayaa balanqaad dhanka taageerada ah u fidisay kooxda qaran ee Kenya Rugby Sevens.

Marka loo eego wasaaradda Isboortiga ayaa waxaa wasiirka balanqaadkeedu uu yahay kii ugu horeeyay ee wax looga qabanayo lacagaha ay helaan kooxda qaran ee Sevens-ka iyaga oo hela bishii kharash ku dhow 100 kun halkii ciyaartoy ee kooxdaasi u dheelaba.

Wasiir Aamina ayaa tilmaantay in la kordhin doono gunooyinka ay kooxdani qaadato iyada oo sidoo kale wax laga qaban doono nidaamkooda horumarinta ama wax laga bedeli doono sidii hore. Aamina Maxamed ayaa dhowaan loo wareejiyay wasaaradda isboortiga iyada oo isku dayeysa in ay wax weyn ka bedesho isboortiga dalka oo ah mid kaalimo hore kaga jira wadammada caalamka.