Booliska degaanka Kitui ayaa Arbacadii soo xiray nin 19-jir ah.

Ninkaasi ayaa la soo sheegay in uu baangad ku dhuftay xaaskii uu qabey oo aheyd 18 jir.

Dhacdadan ayaa ka dhacday tuulada Katithini ee degaanka Misewani habeenimadii Talaadada, Taliyaha kownti hoosaadka booliska bartamaha taliya Sicily Gatiti ayaa xaqiijisay dilkan waxashnimada ah.

Waxa magacyadooda lagu kala tilmaamay ninka eedeeysanaha ah oo lagu magacaabo John Mutinda iyo haweenta la dilay oo iyana lagu magacaabo Ciiru Murimi.

Waxaana Gatiti uu sheegay in ujeedka dilka aan la ogeyn laakiinse booliska dalku ay hayaan qofka wax dilay isla markaasina ay baaritaanno ku sameynayaan arrinkan.