Nin dhallinyaro ah oo wadey mooto Bajaajle ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan waxaana dilka ka dambeeyay nin ciidan ah oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ka hor dilka uu muran xoogan dhexmaray Askariga dilka geystay iyo Darawalka Mooto Bajaajlaha, intaasi kadibna askari uu dhowr xabadood ku dhuftay Bajaalaha.

Waa ninkii ugu horeeyay ee mooto Bajaale ah oo la dilo tan iyo markii ay curatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here