Labo weriye oo u shaqeynayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la sii daayey kadib markii loo xiray warar ay ka sheegayeen dhibaatada qabsatay qowmiyadaha loo yaqaano Rohingya ee dalkaasi Burma ama loo yaqaan Myanmar.

Saxafiyiintani ayaa xabsiga laga saaray maanta oo Talaado ah waxaana lagu sii daayey cafis madaxweyne oo ay fidisay haweenayda talada dalkaasi heysa, kadib markii ay wajahday olole caalami ah oo cadaadis lagu saarayo in ay sii deyso weriyeyaashaasi.

Saxafiga lagu magacaabo Wa Lone iyo Kyaw Soe ayaa warbaahinta caalamigu ka hadashay iyaga oo ka soo baxaya xabsiga caanka ku ah naxariis darrada ee magaalada Yangon.

Saxafiyiintani ayaa muddo ku xirnaa halkaasi waxaana xukuumaddu ay xabsiga dhigtay saxafiyiintani bishii Diseembar sanadkii 2017, kadib markii ay daaha ka rogeen 10 xasuuq oo ka dhacay gobolka Rakhine ee dalkaasi Burma.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen 740,000 oo ka mid ah muslimiinta Rohingya oo u sii qaxayey dalka deriska ah ee Bangladesh xilli ciidammada dowladda dalkaasi ay si naxariis darro ah u barakicisay dadkaasi.

Haweenayda dalkaasi ka talisa ayaa lagu magacaabaa Aung San Suu Kyi waxa ay heysataa abaalmarinta Nobel la gudoonsiiyey xilli ay mucaarad ku aheyd xukunkii millitery ee ka soo jirey dalkaasi, taasi oo la sheegayo in ay haatan dalkaasi ka hirgelisay xukun shacbi ah.

Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in ay muhiim tahay siideynta weriyeyaashani sababo la xiriira xogta ay soo gudbin jireen oo aheyd mid caalamka muhiimad weyn ugu fadhiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here