Madaxweynaha dalka Venezuela Nicholas Maduro ayaa ku booriyey ciidammada wadankaasi Venezuela in ay u diyaargaroobaan xarbi ay la galaan wadanka Mareykanka.

Tiro yar oo madaxda dalkaasi ka tirsan ayaa la soo weriyey in ay ku gaaf wareegayaan xarumaha ciidammada si ay u soo jiitaan taageerada ciidammada dalkaasi.

Dalka Venezuela ayaa siyaasadiisu haatan labo u kala qeybsan tahay iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka dalkaasi uu heysto taageerada dalalka Mareykanka iyo Yurub halka madaxweynaha dalkaasina uu weli xukunka ku dheggan yahay isaga oo weliba hub casri ah iyo taageero milliteri ka helay wadammada reer Bariga ee Ruushka iyo Shiinaha.

Millitariga ayaa maalinimadii shalay la arkayey iyada oo uu horsocdo madaxweyne Nicolas Maduro isaga oo muujinayey taageerada uu ciidamada ka heysto.

Asbuucii tegay ayaa waxaa guuldareystay kacdoon la filayey in ay millaterigu uga horyimaadaan madaxweyne Maduro, arrintan ay is raaceen milleteriga iyo madaxweynaha ayaa waxaa ay guuldarro weyn ku tahay gudoomiyaha baarlamaanka dalkaasi isla markaasina ah mucaaradka dowladda Juan Guaido kaasi oo dowladda ka soo horjeestay.

Madaxweyne Maduro ayaa ku amray milleteriga in ay dalkooda ka difaacaan iyaga oo hubkooda gacanta ku heysta waxaana maalinimadii shalay garab taagnaa wasiirka difaaca Vladimir Padrino, isaga oo ay garabtaagnaayeen in ka badan 5,000 oo ciidammada dalkaasi ah.

Mareykanka ayaa diiday in uu ka waantoobo in uu weeraro dlaka Venezuela waxaana uu ku adkeysanayaa in Maduro talada laga tuuro— isaga oo Mareykanku cunaqabateymo isdaba joog ah uu la beegsanayo dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here