Diyaarad shibil ah oo laga leeyahay wadanka Raashiya ayaa qaraxday xilli ay sameynaysay degitaan deg deg ah.

Diyaaradda ayaa waxaa qabsaday dab waxaana ay ku degatay gegida diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Moscow.

Dadka ku dhintay dabka ka kacay diyaaraddaa ayaa waxaa ay ahaayeen 41 qof waxaana ku jirey labo carruur ah.

Diyaaradan ayaa aheyd mid ka mid ah raxanta diyaaradaha ee shirkadda Aeroflot waxaana ay ay ku degaysay gegida Sheremetyevo international maalinimadii Axada, taasi degitaankeeda kadib uu dab weyn ka kacay diyaaradda.

Rakaabka ayaa la arkayey iyaga oo laga badbaadinayo qaarkood iyadoo baareyaashu sheegayaan in 41 qof uu dabku qabsaday oo la badbaadin kari waayey.

11 qof ayaa ku dhaawacantay sida uu ku waramay wasiirka caafimaadka ee ismaamulka Moscow Dmitry Matveyev, waxaana badbaaday 37 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here