Gobolka Hiiraan ee ismaamulka Hirshabeelle waxaa la soo sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaare mid nafeed iyo mid hantiyeed.

Waxaa weerar culus lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ahaa kuwo reer Guuraa ah.

Weerarka ayaa yimid kadib markii koox hubeysan ay jidka u galeen gaarigaasi.

Ugu yaraan 6 ruux oo uu ku jiray darawalkii waday gaariga ayaa goobta ku nafwaayey waxaa dhaawacu uu gaarayaa 5 qof kale kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in uu dhacay inta u dhaxeeysa deegaaanada Baanyaaleey iyo Teedaan, waxaana weriyeyaashu ay ku soo waramayaan in dadka la laayey ay u badnaayeen carruur iyo haween.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here