Tacsi loo qabanayey aabaha dhalay gaava ku xigeenka Mombasa William Kingi’s ayaa shalay ku soo dhammaatay la yaab iyo fajac kadib markii labo siyaasi ay tacsida isku qabsadeen.

Yaabka ayaa ka bilowday kadib markii xildhibaanka laga soo doorto Malindi MP Aisha Jumwa ay ka horjoogsatay xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna in uu goobtaasi khudbad ka jeediyo.

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM ayaa doonayey in uu khudbad u jeediyo dadka baroor-diiqayey waxaana markii uu istaagay goobta mikrafoonka kula dhegay Aisha Jumwa taasi oo ka fara maroojisay mikrofoonka isla markaasina ku eedeeysay in uu rabey in uu siyaasad goobtaasi tacsida ka jeediyo.

Mr Sifuna ayaa isagu hadalkiisa ku bilaabay in uu yahay nin fariin side ah oo ka socda hogaamiye Raila Odinga, waxaana uu sheegay in uu tacsi u dirayo qoyska geeridu ku timid.

Hase yeesheee Mr Sifuna ayaa sii ambaqaaday sida ay ODM ay ugu baahan in la tixgeliyo.

Halkaasi oo Aisha Jumwa ay deg deg uga kacday fadhiga iyada maadaama ay xafladda qabanqaabadeeda mas’uul ka aheyd iyadu, waxaana si xoog ah uga qaaday mikrofoonka Mr. Sifuna iyada oo ku tiri: “War ka ka tag meesha waa tacsi ayaanu joognaa siyaasadna cid uga baahan ma jirto, sababtoo ah waxa aan dul joogno waa arrin u murugoosho qof mootan mana ahan meel dood iyo siyaasad lagu gorfeynayo.”

Halkaasi waxa lagu cambaareeyay hogaamiyeyaasha mas’uuliyiin u soo dirsanaya si ay goobaha tacsida ah khudbado siyaasadeed looga jeediyo xilli ehelada iyo qaraabada qofka laga dhintay aan la tixgelinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here