Gaavanaha Ismaamulka Machakos Alfred Mutua isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Maendeleo Chap Chap, ayaa qaaday olole looga soo horjeedo in la soo dabaalo canshuur dheeri ah oo lagu soo rogo dadweynaha.

Dr Mutua ayaa sheegay in Kenyaanku ay daalan yihiin meeshii looga baahnaa in canshuurta hoos dhigana kor loogu qaaday, gaavanaha ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn canshuur kordhinta lagu dhex sheegay warbixinta miisaaniyadda qaranka ee dhowaan la cayimay.

Waxa uu ka hadlayey magaalada Mombaasa ayaa halkaasi oo lagu qabtay bandhig ku saabsan dabashada kalluunka.

Waxaana uu sheegay in canshuurtu dheeriga ah ee la saaray badeecooyinka iyo qiimaha maciishadda oo ku sii kaceysa ay daalisay dadka rayidka ah ee dalka waxaana uu halkaasi ka iclaamiyey olole uu ugu magac daray “Tumechoka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here