Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lagu bilaabay su’aalo weydiin.

Al-Bashiir ayaa su’aalaha la weydiinayo waxa ay ku saabsan yihiin lacag xoog leh oo la sheegay in uu u diray wadanka dibaddiisa iyo in uu kharashgareeyay howlo argagixisadu ka fulisay caalamka meelo ka tirsan.

Wakaaladda wararka ee SUNA ayaa sidaasi ku soo warantay.

Ku simaha agaasinaka guud ee dacwad soo oogista guud ee qaranka Al-Waleed Sayyed Ahmed ayaa amar ku bixiyey in su’aalo la weydiiyo Cumar Xasan Al-Bashiir waxaana uu tilmaamay in wax laga weydiinayo lacago la kala gooshiyey oo ka horimaanaya sharciyada ka hortagga argagixisada ee u yaalla dalka Suudaan.

Arrintan ayaa imaaneysa 3 asbuuc kadib markii ay milliterigu rideen Cumar Xasan Al-Bashiir iyadoo maalmo ka horna la dhigay xabsi. Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa lasheegay in ay weli sii wadaan banaabaxyada iyadoo la arkayo kooxo hor leh oo banaanbaxyada ku soo biiraya iyaga oo shalay gaaray ilaa hal milyan oo qof, waxa ay socodkooda ku codsanayaan in wadanka taladiisa laga qaado millitariga loona dhiibi maamul shacab ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Suudaan Sadiq al-Mahdi, oo ah mucaaradkii ugu weynaa ee ka soo horjeeday madaxweyne Al-Bashiir ayaa uga digay banaabaxayaasha in ay isku dayaan in ay xoog ku maraan millitariga oo haatan waardiyeynaya dhismeyaasha dowladda.

Sadiq Al- Mahdi ayaa isagu xisbigiisu waxa ay ku jiraan dadweynaha banaanbaxaya waxaana uu sheegay in aysan suurto gal aheyn in dadweynuhu ay ka horyimaadaan ciidammada oo ah kuwii caawiyey dadweynaha isla markaana talada ka qaaday madaxweynaha.

Ku xigeenka madaxa guddiga milliteriga ee gacanta ku haya maamulka dalka Suudaan Mohammad Hamdan Dagolo ayaa sheegay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya shacabka iyo guddiga millitariga, taasi oo uu sheegay in uu rajeynayo in natiijo miro dhal ah ay ka soo saari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here