Dabaaldegyada maalinta xoriyadda saxaafadda caalamka ayaa loo dabaaldegayaa daafaha dunida waxaana ay soo bilaabatay maalinimadii shalay.

Maalinta caalamiga ah xorriyadda weriyayaasha ayaa ku asteysan 3-da Bisha May waxaana dabaaldegyada hogaaminaya ururka waxbarashada caalamiga ah ee UNESCO oo iyagu 100 wadan ku qabanaya xafladahan.

UNESCO ayaa sheegtay in munaasabadani markan lagu qaban doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in munaasabaddu aad u balaaran tahay isla markaasina ay tahay seminaar heerka 8-aad ah oo tababarro lagu siin doono dhallinyarada saxaafadda ka shaqeeya.

3-da beri ee munaasabaddu socoto ayaa waxaa UNESCO ay isugu yeertay madax sar sare oo caalamka ka tirsan kuwaasi oo ka doodaya ka hortagga hanjabaadaha iyo abaalmarinada guulaha ay gaaraan saxafiyiintu.

Waxaa sidoo kale hal-ku dhigga sanadkan 2019 uu yahay “Kaalinta Warbaahinta ee ku aadan Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda” Waxaana ay munaasabadda ay ka kooban tahay shirar, doodo, warbixinno la ifinayo. Waxaana diiradda lagu saaraya hal ku dhiggaasi oo sanadkani 2019-ka la soo xushay.

Ilaa 100 xaflado qaran ah ayaa ay maalgelisay UNESCo sanadkan national events iyadoo ka caawisay dowlado badan sidii munaasabadan ay u qaban lahaayeen.

Maanta oo ah 2-da May waa maalintii labaad ee munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxafiyiinta waxaana uu bixin doonaa abaalmarinta UNESCO ee dhanka saxaafadda ee loo yaqaan UNESCO/Guillermo Cano World Press Freedom Prize. Waxaana la siin doonaa qofka ku guuleystay difaaca xoriyadda saxafiyiinta ee sanada 2019.

Inta uu socdo shirka waxaa meel gaar ah loo furay dhallinta saxaafadda halkaasi oo ah qeyb gaar ah oo shirka barbar socda laguna tababarayo saxaafadda shirkaasi joogta.

Dalka Kenya, munaasabaddan ayaa haatan ka soconeysa hotelka Intercontinental ee caasimadda Nairobi.

3-da beri ee munaasabaddu socoto ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa ciyaaro dhaqameedyo iyo farshaxan ka tarjumaya shaqada saxafiyiinta caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here