Hey’ad fadhigeedu yahay wadanka Poland oo iyadu lagu magacaabo OnNet Services, isla markaasina la tacaasha burcadnimada internetka ayaa ka digtay in dhac loo geysto baanan ku yaal dalka Kenya.

Horey waxaa ay u saadaalisay in 4 ka mid ah ATMyada bankiga laga qaadan doono 11 milyan oo shillin xafladihii Easterka ee la soo dhaafay.

Waxaa ay hey’adani sheegtay in ay jiraan dad ka mid ah bulshada baananka ka shaqeysa oo bixiya sirta bankiyada kuwaasi oo sabab u ah dhaca lagu geysto dhanka kombiyuuterrada.

Agaasimaha Shirkadani teknolojiyadda ee OnNet Group Stephanie Neringa ayaa u sheegay warfaafinta in xitaa haddii ay iyagu ku dadaaleen in ay ka hortagaan ama digniin siiyaan baananka ay weli kuwa wax jabsada ay ka soo galaan albaabo kale oo dhanka internetka ku jabsanayaan hantida taallada bankiyada dalka.

Shirkadda ayaa beenisay warar sheegaya in la isticmaalay serverro ay burcaddu adeegsatay kuwaasi sanadkii hore lagu dhacay maal gaaraya 400 oo milyan oo lacagta dalka ah.

Warbixin dhowaan la soo saaray ayaa Kenya gelisay wadanka 69-aad ee ugu khatarta badan marka loo eego 127 wadan oo internetka loo adeegsado dhac loo geysto baananka dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here