Nin Soomaalida Mareykanka ah oo lagu magaaco Maxamed Nuur ayaa wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa lagu helay dacwad loo heystay oo aheyd in uu dilay haweenay u dhalatay wadanka Australia.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Maxamed Nuur uu toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo dhinaciisa u soo carartay xilli ay dooneysay in ay booliska u sheegto shaki ay ka qabtay in guri ay deris yihiin lagu kufsanayo haweenay, balse nasiib xumadii Maxamed nuur uu si lama filaan ah haweentii rasaas ugu furay.

Dhacdada oo dhacday 15 Luulyo sannadkii 2017-kii, ayaa 2-dii sano ee ugu dambeysay waxaa kiiska dhegaysigiisu ka soconayey maxkamad ku taal Mareykanka.

Markii dhegaysigu dhacay ayaa maxakamaddu shaacisay in lagu helay dembi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah.

Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in horey looga laga qaaday lacag dhan 400,000 doolarka Mareykanka ah. Waxa kale oo uu wareejiyey qorigii iyo lebiskii ciidanka isaga oo xarunta booliska lagu heyn doono baasaboorka uu heysto si aysan u suuroobin in uu dibadaha u safro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here