Koox ka tirsan odayaasha gobolka Nyanza ayaa ku gacan seyray dadka eedeeynaya hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.

Waxa ay odayaashani tilmaameen in ay tahay go’aan uu gaaray mucaaradka dalka in ay wadashaqeyn la yeeshaan dowladda qaran, taasi oo ay sheegeen in ay tahay mid iskeed u timid.

Bayaan ay ka soo saareen arrimaha la sheegay in ay ka soo cusboonaadeen is gacan qaadka madaxweynaha iyo Raila Odinga.

In ka badan 12 xildhibaan oo shalay ka hadlayey Kisumu ayaa sheegay in aysan meelna uga oolin dastuurka dalka in odayaasha bulshada Luo ay kaalin ku yeeshaan mucaaradka dalka, waxaana ay iska fogeeyeen in ay iyagu kula taliyeen Raila in uu isgacanqaad adeegsado.