Xafiiska Dacwad Soo Oogista Qaranka ayaa dabagal ku sameyn doona howlo cadaadiska dacwadaha looga yareyn doono la tacaalidda dacwadaha la xiriira dembiyada dhaqaalaha.

Howshan ayaa xafiisku sheegay in ay hoostagi doonto shuruuc loo dejiyey Go’aan qaadashada Dacwadaha kuwaasi oo laga hirgelin doono dhammaan dalka oo dhan. Waxaa tillaabadani ay caawin doontaa sidii dib loogu soo celin lahaa hantida la musuqay iyo la tacaalidda ciriiriga ka jira xabsiyada dalka.

In ka badan 38 kiis oo musuqa la xiriira ayaa weli horyaalla maxkamadaha dalka oo dhan waxaana dhammaantood ay sugayaan in bishan la wada dhegaysto kiisaskani.