15 qof oo ay ku jiraan 6 carruur ah ayaa dhintay kadib markii ay iska horyimaadeen laamaha amniga dalkaasi Sri Lanka iyo kooxo la sheegay in ay in ay ka tirsanaayeen mintidiinta Islaamiga ah ee dalkaasi.

3 ayaa goobta isku qarxisay halka kuwo kalena lagu toogtay goobta sida boolisku sheegeen.

Booliska ayaa sheegay in dadka 15-ka ay u dhinteen qaraxyada ay 3da qof isqarxiyeen kadib markii ay ka war heleen in xaafadooda ciidammadu hareereeyeen.

Booliska Sri Lanka ayaa sheegay in weerarku ka dhacay goob la aaminsan yahay inay gabaad u aheyd kooxo xagjir ah goobtaasi oo lagu magacaabo Kalmunai kuwa taal waqooyi Bari dalkaasi.

Booliska Sri Lanka ayaa raadsanaya kooxaha xaqgjiriinta ah ee dalkaasi ka jira kadib markii dhowaan qaraxyo bambaanooyin ay kooxahaasi ka fuliyeen goob macbad ah oo shacabka Kirishtanka dalkaasi ay ku cibaadeysanayeen.

Afhayeenka milliteriga Sri Lanka Sumith Atapattu ayaa sheegay in dad shacab ah ay haleeshay rasaasta ay is dhaafsanayeen milleteriga dalkaasi iyo kooxaha xagjirka ah ee Sri Lanka.

Wararka ayaa sheegaya in weeraro argagixiso lagu qaaday goobo isugu jira masaajidyo iyo hoteello ku yaal dalkaasi Sri Lanka iyadoo lagu dilay ilaa 359 qof oo ahaa dad aan waxba galabsan.

Weeraradii ugu darnaa ee dalkaasina waxa ay dheceen asbuucii hore xilli loo dabaal degayay munaasabadda Easter-ka halkaasi oo lagu dilay tiro u dhaxeysa 100 ilaa 250 ruux oo ku sugnaa goob kaniisad ah.

Weerarkaasi Sri Lanka ee lagu hoobtay waxaa sheegtay kooxaha ISIS.