Musharaxa xisbiga Jubilee Axmed Kolosha ayaa ku guuleystay tartankii doorashadii ku celiska aheyd ee kursiga baarlamaaniga ah ee Wajeer West.

Mr Kolosh ayaa helay codad dhan 11,053 cod halka uu Sheekh Ibrahim oo ka soo jeeda xisbiga Kanu uu Sheikh uu helay 6,532 codadka shacabka ah.

Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ee IEBC ayaa tiriyey codadka laga kala dhiibtay dhammaan 75 xarumood oo ku kala yaal afar waaxood oo kala ah Arbajahan, Hadado/Athibohol, Adam Admasajide iyo Ganyure/Wagalla.

Doorashada ku celiska ah ayaa waxaa boqolkiiba 70 ay aheyd mid si weyn la isugu soo baxay oyadoo guud ahaan codadkii la riday ay dhammaayeen 17,606 oo cod oo la ritay.
Guud ahaan constituency-ga Wajir West ayaa leh 27,544 oo ah dad u diiwaangashan in ay codeyn karaan.

Tirinta codadka ayaa lagu qabtay iskuulka hoose/dhexe ee Griftu iyadoona aad loo adkeeyay amaanka.