Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo dhoweeyay gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde International waxaana halkaasi ku soo xoomay dadweyne soo dhoweynayey madaxweynaha hore.

Wararku waxa ay sheegayaan in Shariif Sheekh Axmed uu magaalad Muqdisho kaga qeybgeli doono munaasabado uu qaban doono xisbigiisa.

Dadweyne badan ayaa wadooyinka isugu soo baxay si ay u soo dhoweeyaan Shariif Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here