Madaxii hore ee hey’adda dhulalka Qaran ee NLC Muhammad Swazuri ayaa maxkamadda sare weydiistay in ay dib u eegto sii deyntiisa lagu sii deynayo ganaax dhan 12 milyan oo shillinka dalka ah.

Waxaa Swazuri horey xabsiga u dhigay Waaxda Anshaxa iyo la dagaalanka Musuq maasuqa ee iyadoo maxkamadda ka hortagga musuqana ay ku heshay kiis uu ku lunsaday 109 milyan oo shillinka dalka ah, kiiskani oo saraakiil kale oo badani kula jiraan.

Garsoore Mumbi Ngugi ayaa Arbacadii sheegtay in kiiska Swaxuri uu yahay mid deg deg ah.

Codsi uu kadib xukunka ayaa Profesor Swazuri waxa uu sheegay in uusan iska bixin karin Sh12 million oo is furasho ah taasi oo ay ku soo oogtay garsoore sare Lawrence Mugambi waxaana uu isagu sheegay in arrintaasi aysan xaq aheyn isaga oo ku calaacalay in uusan iska dhiibi karin lacagtaasi 12-ka milyan ah, waxaana uu codsaday in loo fiiriyo qodobka ee dastuurka dalka.

Garsooraha lagu magacaabo Ngugi ayaa cabashada Swazuri u gudbisay agaasimaha dacwad soo oogista qaranka waxaana lagu wadaa in maanta oo Khamiist ah kiiskaasi dib loo dhegaysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here