Wasaaradda cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dacwado loo heysto labo qof oo u dhalatay wadanka Shiinaha kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay wadashaqeynayeen si sir ganacsi looga xado shirkadda weyn ee lagu magacaabo General Electric.

Xiaoqing Zheng ayaa iska fogeeyay eedeeymaha loo soo jeediyey kadib markii maxkamad la soo taagay maxkamad ku taal degaanka Albeny ee magaalada New-York.

Ninka ay wada shaqeynayeen oo lagu magacaabo Zhaoxi Zhang ayaa la aaminsan yahay in uu joogo gudaha wadankiisa Shiinaha.

Labadaba waxaa lagu heystaa in ay basaasayeen sirta ganacsi ee dhaqaalaha Mareykanka isla markaasina ay gacnaha kula jireen sidii xog sir ah looga koobiyeyn lahaa suuqyada Mareykanka. Zheng ayaa sidoo kale lagu heystaa in uu been u sheegay baarayaasha FBI-da loo yaqaan.

Kaaliyaha Qareenka guud ee Mareykanka John Demers ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay raadineyso istraatiijiyad ganacsi oo ay ka dhex abuurato Mareykanka gudihiisa iyadoo dooneysa in Shiinaha jooga Mareykanka ay maalgeliso sidaasina lagu abuuro shirkado ganacsi oo shaqada kala wareega kuwa Mareykanka ah ee haatan shaqeynaya.

Demers ayaa sheegay in Mareykanku uusan ogolaan doonin in Shiinuhu ay xadaan sirta ganacsiga suuqyada Mareykanka isla markaasina ay Shiinuhu ay qabsadaan suuqyada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here