Madaxweynaha W/Kuuriya Kim Jong Un iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, kadib soo dhoweynta hogaamiyaha W/Kuuriya iyaga oo wadahadallo ku leh Jaamacadda Bariga Fog ee klu taal jasiiradda Russky ee magaalada Vladivostok bisha April 25, 2019. PHOTO | YURI KADOBNOV | AFP | BURHAN BIKOLO, TUSMO FM.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa ku kulmaya gobolka Bariga Fog maanta oo Khamiis ah.

Waxaa lagu wadaa in kalfadhigoodani looga hadlo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Waqooyiga Kuuriya iyo Raaashanka iyo sidoo kale hakadka galay wadaxaajoodyadii u soconayey W/Kuuriya iyo Mareykanka.

Diyaaradii sidey Mr Putin ayaa goor hore ka degatay xeebta badda Paasifigga Vladivostok wax yar kadib markii isaguna uu halkaasi gaaray madaxweynaha hogaamiyaha Kuuriya Kim Jong Un.

Labada calan ee Ruushka iyo midka kan W/Kuuriya ayaa ka dul babanayey goobta kulanka oo ah jasiiradda Ruushanka ah eeRussky Island taasi oo ku taal magaalada Vladivostok. Russky island, oo ah meesha kalfadhiga hogaamiyeyaashani uu ka dhacayo ayaa ah jaamacad waxbarasho.

Kulankani dhex maraya Vladimir Putin iyo Kim Jong Un ayaa la sheegay in uu noqonayo kulankii ugu horeeyay ee wadahadallo weji ka weji ah uu Kim Jong Un la yeesho madaxweyne kale oo caalamka ka tirsan tan iyo markii uu ka soo laabtay kalfadhigii uu la yeeshay Donald Trump ee isagu ka dhacay caasimadda Hanoi ee dalka Vietnam.

Kim Jong Un ayaa doonaya in uu taageero ka helo wadanka Ruushka si looga qafiifiyo cunaqabateynta saaran Pyongyang cunaqabateyntaasi oo loo saaray sababo la xiriir a barnaamijkeeda Nukliyeerka, dhankiisa madaxweyne Vladimir Putin ayaa xiiseynaya in uu u muujiyo indhaha caalamka isaga oo doonaya in uu dadka tuso in Moscow tahay maamul hormuud ka ah arrimaha caalamka, isla markaasina Ruushku yahay wadan ay dalal kale oo badan ku tiirsan yihiin xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here