Haweenay iyo gabadheed ayaa ku geeriyooday fatahaado ay la kulmeen xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Kibera halkaasi oo roobab xoog leh ay sababeen in ay biyaha ku dhintaan.

Roobab ka da’day daafaha dalka ayaa sababay in fatahaadaha ay saameyaan nolosha dadweynaha daafaha dalka oo dhan.

Goobjoogeyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haweenayda lagu magacaabi jirey Vivian Nyathi Abandu ay geeriyootey kadib markii ay isku dayday in ay badbaadiso gabar ay dhashay gabadhaasi oo lagu magacaabo – Christine – taasi oo ku dhacday goob biyhu isugu uruuraan oo bulaacad ah, waxaana gabadha sii watey biyo xooggan oo ka tan batay.

Nasiib daradiina waxaa dhacday in gabadhii markii ay qabsatay gacanta hooyadeed ay hooyadii raacday gabadhii halkaasina ay ku wada dhaceen biyihii iyadoo meydkooda halkaasi laga soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here