Gudoomiyaha guddiga doorashada IEBC, Mr. Wafula Chebukati (Dhexda) oo kormeeraya qalabka codbixinta, xarunta tababarada ee Griftu ee kowntiga Wajir April 24, 2019, ka hor inta aysan bilaabanin doorashooyinka Galbeedka Wajeer. April 25, 2019. PHOTO | JOSEPH KANYI | NATION MEDIA GROUP.

Xisbiyada KANU iyo Jubilee ayaa maanta oo Khamiis ah tartankoodu ka bilaabanayaa Wajeer West.

Loollanka ayaa waxaa isku arki doona siyaasiyiinta Wajeer West ee kala ah Ibrahim Mohammed kaasi oo la tartamaya Axmed Kolosh oo ka soo jeeda xisbiga Jubilee.

Tartankani siyaasadeed ayaa dadku hadal hayaan in uu yahay mid labada siyaasi uu mid waliba xoogga saarayo in uu helo taageerada ugu badan waxaana la sheegayaa in raggani ay ku daba safan yihiin isla markaasina uu saameynayo siyaasadda kacsan ee ka dhaxeysa siyaasiyiinta gobolka Rift Valley ee kala ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo senatorka laga soo doorto kowntiga Baringo Senator Gideon Moi.

Guddiga Doorashada ee IEBC ayaa sheegay in uu u qalabeysan yahay in uu qabto doorashada ku celiska ah, iyadoo qalabka la geeyay degaanka Griftu ee Wajeer West.

Kursigani ayaa tartankiisa waxa uu yahay mid ku celis ah iyadoo horey ay maxkamadda sare u tirtirtay doorashadii hore u dhacday sababo la xiriira khaladaad soo galay doorashadaasi. Waxaana doorashadii hore lagu qabtay xarunta cod-bixinta ee Qara Pooing Station.

Mr Kolosh, ayaa markii hore ku tartamayey tikidka xisbiga ODM, balse waxa uu u soo wareegtay tikidka xisbiga Jubilee, halka Ibrahim Maxamed uu isagu hogaanka u hayo xisbiga KANU ee Wajeer West.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here