Wershadda dharka ee kowntiga Kitui ayaa la dhisay 2018-kii, waxaana ay khandaraasyo dhanka dhar tolidda ah ka heshay dowladda dhexe..

Waxsoo saarka wershadeed ee Xarunta Tolliinka Dharka ee Kitui ayaa balanqaad ka heshay dowladda qaran.

Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in ka dowlad qaran ahaan ay shaqo badan u raadsan doonaan wax soo saarka wershadaasi.

Waxaa wasiirka kormeerkiisa wershadaasi dharka ku wehlinayey wasiirka caafimaadka Sicily Kariuki, iyadoo sheegtay in wershadda dharka ee Kitui ay abuurtay dowladda Kowntiga isla markaasina ujeedada loo abuuray ay tahay sidii kaalin looga geysan lahaa nolosha shacabka.

Horey ayaa madaxweyne Kenyatta waxa uu u carabaabay in uu dowladdu ay qandaraasyo dhanka dhar tolidda ah siin doonto wershadda dharka ee Kitui, isaga oo madaxweynuhu sheegay in direyska jiifafka dalka lagu toli doono wershaddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here