Warbixinno ayaa ka soo baxaya lacag laga dhacay 4 ATM oo uu leeyahay bankiga Barclays Bank ee Nairobi.

Wararku waxa ay sheegayaan in baareyaasha dembiyada lagu geysto kombiyuuterrada in ay ogaadeen in dadka lacagta dhacay ay ahaayeen 3 burcad ah kuwaasi oo ka faa’iideystay fasaxyadii Easter-ka ee maalmihii la soo dhaafay.

Lacagtan laga dhacay mashiinada lacagta ATM-ka ee Bankiga Barckleys ayaa la sheegay in ay aheyd mid burcadda ay heysteen xog badan oo dhanka kombiyuterrada ah.

Kuwaasi oo kombiyuuterro meelo fog adeegsaday kadibna ay isbalaqaneen mashiinadii lacagta kuwaasi oo iska soo daba tuurayey lacagaha 4 ATM oo bucaddu bartilmaameedsadeen.

Kaamerada CCTV-da ee ku xirneyd afarta qol ee bankiyada Barcleys Banks ayaa dhammaantood saameysay arrintu waxaana lacagta qolka ka qaadayey nin da’ yar ah oo wejigu u xirnaa, kaasi oo hadba markii uu kharash qaatoba sii galayey gaari Probox ah, waxaana gaariga la saarnaa labo qof oo laga shakisan yahay cida ay ahaayeen.

Marka loo eego madaxa ugu sareeya shirkadda odorosta dhanka amniga inter-net-ka ee loo yaqaan Internet Solutions Kenya, Dr. Bright Mawudor, ayaa sheegay in nidaamkani casriga ah ee wax lagu dhacayo ay ku imaan karto oo keliya xilli ay jirto wadashaqeyn u dhaxeysa dadka burcada ah iyo shaqaalaha Baanka.

Lacagta la dhacay ayaa aheyd 14 milyan oo shillinka dalka ah, taasi oo lagu soo beegay xafladihii Easterka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here