Booliska dalka ayaa xaqiijinaya badbaadada 91,000 oo macallin oo loo tababarayo manhajka cusub ee dhowaan la soo bandhigay.

Macallimiinta ayaa waxa ay la kulmeed weerarro kala duwan oo ka imaanayey hogaamiyeyaasha ururada macallimiinta qaarkood.

Bayaan ay soo saareen Talaadadii ayaa taliyaha guud ee booliska qaranka Hilary Mutyambai waxa uu ka digay in shaqsiyaad ay faro geliyeen howsha tababarka ah ee dowladdui u furtay macallimiinta, waxaana taliyuhu uu sheegay in boolisku aysan ka labo labeyn doonin in dadka fowdada sameynaya laga qaado tilaabo sharciga waafaqsan.

Baaqani oo uu ku saxiixnaa Antony Munga, ayaa taliyaha guud waxa uu codsaday in kuwa ka soo horjeeda tababarrada macallimiinta in ay soo maraan wado sax ah oo ay ku soo gudbistaan cabashooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here