Iyadoo ay sii xumaanayaan abaaraha ku dhuftay 13 kownti oo dalka ah ayaa waxaa MCA-ga degaanka Hulugho Adow Omar uu doonayaa in dowladda qaran iyo hey’adaha ay booyadaha biyaha la soo gaaraan dadka degaankaasi.

Isaga oo saxafiyiinta kula hadlayey magaalda Holugho Talaadadii shalay xilli uu soo maray degaannada dhibaatadu ka jirto ayaa waxaa uu sheegay in waaxda degaanka ee uu isagu mas’uulka ka yahay ay u baahi qabaan booyado biyo ah, waxaana uu sheegay in berkadihii iyo ceelashii degaanaasi ay qalaleen.

Dowladda qaran ayaa ku adkeysatay in abaarta degaannada aysan gaarin marxalad musiibo qaran, waxaana haatan kowntiyada ay abaaruhu saameeyeen ugu daran kowntiyada gobolka Waqooyi Bari ee kala ah Garissa, Marsabit, Wajir iyo kowntiga Mandera.

Kowntiyada kale ee abaaruhu gaareen waxaa ka mid ah Nyeri (Kieni area), West Pokot, Isiolo, Kitui, Samburu, Tana River, Turkana, Kilifi iyo kowntiga Laikipia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here