Dadka qaata lambarka Huduma Namba ayaa weli looga sii baahnaan doonaa in ay isticmaalaan (ID-yadooda) ama Kibaandhaha aqoonsigoodu u sahlanaado.

Warkani waxaa sheegay Xoghayaha sare ee wasaaradda qorsheynta Julius Muia.

Dr Muia ayaa sheegay in lambarka Huduma Namba aan lagu bedelin kaarka aqoonsiga ee sharciga ah, leysinka wadista baabuurta ama kaarka ceymiska caafimaadka amaba kaar kale.

Waxa uu sheegay inkastoo Huduma Namba aad loo suuqgeeyay in uu yahay lambar aqoonsi ah hadana waxa uu sheegay in ka faa’iideysigiisa ay waqti dheer u qaadaneyso ilaa ay dadki ka xaqiiqsadaan faa’iidooyinkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here