Labo qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii boolisku ceyrsanayey gaari bas ah uu bartanka kaga dhacay meel suuq ah oo dad badani buuxeen.

Shilkani ayaa ka dhacay kowntiga Kisii.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ay arkeen labo gaari oo xowli ku socda kuwaasi oo midka dambe uu ahaa gaari land- cruiser ah oo boolisku lahaayeen isla markaasina is xakameyn waayey waxaana uu dardaray dadkii suuqa buuxay.

Markiiba hal qof ayaa goobta ku geeriyooday halka mid kalena la geeyay isbitaalka Lenmek hospital.

Markii ay arrintu dhacday markiiba dadkii suuqa ayaa saldhiga booliska ku xoomay halkaasi waxaa isaga horyimid shacabkii iyo booliska kuwaasi oo is ceyr ceyrsi bilaabay.

Dadka ayaa ku andacoonayey in sarkaalka gaariga wadey uu si mas’uuliyad darro ah dadka u jiirsiiyey gaariga boolisku lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here