Dagaal xooggan ayaa ka soconaya wadanka Liibiya. Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaain in ciidammada taageersan dowladda la aqoonsan yahay ee Liibiya ay dib isaga riixeen ciidamada daacada u ah jeneraal Khalifa Haftar.

Waxaa la sheegay in ciidammada dowladdu ay dib u riixeen kuwa Haftar in ka badan 60 km Koonfur-galbeed ee caasimadda Tripoli, sida ay ku soo warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxaa sidoo kale dowladda Liibiya ee la aqoonsan yahay ay la hirdameysaa maleeshiyaadka hogaamiye Khalifa Haftar iyaga oo sidoo kale ka qabsaday magaalada lagu magacaabo Caziziya.

Jeneraal Haftar ayaa isagu ah hogaamiyaha jabhadda (LNA) kaasi oo taageera dowlad kale oo iyadu isku magacowday dowladda Bariga Liibiya, halkaasi oo labada dhinac ay isku horfadhiyaan isla markaaina ay ku loolamayaan cida si buuxda u qabaneysa gacan ku heynta Liibiya.

Dagaalada ayaa weli soconaya waxaana dagaalladu markii ay kululaadeen la soo sheegayaa in dhibaatooyin badan loo geystay ciidammada uu hogaamiyo jeneraalka Khalilfa Haftar iyadoo diyaarado badan laga soo riday, lagana dilay askar badan. Musawirada la qaaday ayaa muujinaya taangiyo iyo gawaari laga gubay ciidammada daacada u ah Gen Haftar, askar daadsan wadooyinka, maxaabiis badanna laga qabsaday.

Hase yeeshee weriyeyaasha ayaa tilmaamaya in tani aysan ka hor istaagin jen. Haftar in uu hore sii wado dagaalka iyadoo ay isa soo tarayaan ciidammada uu ku soo daabulayo dagaalka uu doonayo in uu ku qabsado caasimadda Tripoli.

Weriyeyaasha ka soo waramayey dagaalada Liibiya ayaa sheegay in xilli ay ka soo duulayeen Tripoli ay arkayeen ciidammada Gen. Haftar oo bilaabaya in ay sawaariikhda ku garaacaan fariisimada ciidammada dowladda ay ku leeyihiin Tripoli.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 5-tii Abriil ee dagaalkani bilowday ay ku geeriyoodeen ilaa 264 qof oo 21 ay rayid yihiin halka 1,266 ay ku dhaawacmeen waxaana ku barakacay 32,000 shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here