Darawallada baabuurta ee mara wadada isku xirta Mai Mahiu-Suswa ayaa looga digay in ay isticmaalaan wadadaasi sababo la xiriira roob xoog leh oo laga cabsi qabo in uu da’o.

Roobab haatan halkaasi ka da’aya ayaa baabureyda waxa ay kala kulmeen daadad xooggan oo ku soo fatahay wadada baabuurta. Daadadka ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadada Tareenka SGR ee degaanadaasi sii marta.

Waaxda wadooyinka qaranka ee Kenha ayaa sheegtay in isku socodka wadadaasi uu yahay mid aad u daran oo khataro ay ka dhalan karaan.

Waaxda wadooyinka ee Kenha ayaa sheegtay in wadadaasi ay kala sikan karto maadaama ay ku juqraafi ahaan ku beegan tahay halka loo yaqaano Suswa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here