Todoba qof ayaa la xaqiijiyey in ay geeriyootay kadib markii uu cudurka loo yaqaan Kala-Azar ka dilaabay kowntiga Marsabit.

Bishii Maarso ayaa cudurkani 44 qofi ugu geeriyootay degaanada Log logo, Kor iyo Laisamis kuwaasi oo loola cararay cusbitaallada dalka waxaana baaritaannadii la sameeyay ay muujiyeen in dadkani qabeen cudurka kala-azar.

Mas’uulka Caafimaadka ee Marsabit Jama Wolde ayaa sheegay in 200 oo qof laga baaray cudurka kala-azar sanadkan iyadoo 89 ka mid ah laga helay cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here