Dowladda Qaran ayaa qorsheynaysa in ay diiwaanka ka saarto dhammaan iskuullada lagu barto wadista baabuurta.

Dowladda ayaa sheegaysa in ay diiradda saareyso tababarrada wadista baabuurta kuwaasi oo hoos loo dhigi doono tirada iskuullada si looga hortago shilalka baabuurta oo ay mudooyinkan dambe dad badani ku dhintaan.

Guddiga Qaran ee Gaadiidka iyo Badbaadada ayaa kulan isugu yeeray dhammaan dadka leh iskuullada wadista baabuurta si loogu sheego arrimahan iyo sida laga yeelayo.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu dhaco Khamiista isla markaasina waxaa shir gudoomin doona wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here