Ololeyaasha doorashooyin ee Wajir West ayaa gudaha degaannadaasi ka soconaya.

Waxaa kowntigaasi ku soo dhow doorasho hoosaadyada ay ku loolamayaan musharixiinta kuwaasi oo haatan muujinaya dadaalladoodii ugu dambeeyay si ay u hantaan codadka dadweynaha Galbeedka Wajir.

Musharaxiinta loolamaya ayaa kala ah Ahmed Kolosh oo ka soo jeeda xisbiga Jubilee iyo Ibrahim Sheikh oo ay wataan xisbiga Kanu waxaana doorashooyinkani ku celinta ah ay imaanayaan xilli uu booskaasi noqday mid banaan kadib markii guul uu gaaray Axmed Kolosh doorashooyinkii dhacay 2017-kii ay guushaasi noqotay waxba kama jiraan sababo la xiriira musharaxa Kanu oo dacwad ka gudbiyey Kolosh.

Waxaana intaa wixii ka dambeeyay la nasakhay doorashadaasi iyadoo kursigaasina uu weli banaan yahay. Haatan ayaa waxaa mar kale tartamaya Ibraahin Sheikh iyo Axmed Kolosh.
Kolosh ayaa la sheegay in uu isagu doorashooyinkii hore watey magaca xisbiga ODM hase yeeshee xisbigaasi waa uu iska bedelay haatan waxaana uu ku biiray xisbiga Jubilee.

Musharaxiintani ayaa iyagu waxa uu mid kasta taageerayaashiisa u sheegayaa in uu isagu guul gaari doono.

Waxaana la filayaa Doorashada ku celiska ah ay dhacdo bishan Abriil 25-keeda.