Gudoomiyihii hore ee guddiga Qaran ee dhulalka Muhammad Swazuri iyo dhowr sarkaal ayaa loo soo xiray arrimo la xiriira musq-maasuq.

Guddiga Anshaxa iyo ka hortagga Musuqa ee (EACC) ayaa baareyaashoodu waxa ay saraakiishani saaka ka wateen guryahooda oo ku yaal caadimadda Nairobi.

Xiritaanka saraakiishani ayaa lala xiriirinayaa in ay timid kadib magdhow been abuur ah oo laga qaatay dhulka guddiga NLC oo ah mashruuc dowladdu leedahay.

Xafiiska Dacwad soo oogista Qaranka ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof lagu soo oogay dacwad dembiyada dhaqaalaha ah.

Dr Swazuri iyo saraakiisha la shaqeynayey ee haatan dacwadda lagu soo oogay ayaa lagu heystaa qiyaano qaran isaga oo galay dembi dhaqaale, ku tagri fal xafiis, kala xawilid lacago, dhaqan xumo dhaqaalaha lagula kacay iyo in kala debarid lacago la soo xaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here