Xoghayaha guud ee xisbgia talada haya ee Jubilee Mr. Raphael Tuju ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta dalka in ay muujiyaan deganaanshiyo siyaasadeed.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay u muuqato in uu isha ku hayo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanada 2022-da isaga oo Ruto uu doonayo in uu ku guuleysto kursiga uu baneeyo madaxweyne Kenyatta, xilli ay wax yar ka dhiman tahay xilliga madaxweynaha.

Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in siyaasiyiinta ay dhammaantood hadal hayaan doorashooyinka mustaqbalka isla markaasina ay qarka u saaran yihiin dayaceen howlaha horumarinta dalka ee loo idmaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here