George Kabau oo ahaa Injineer Kenyaan ah ayaa ku dhintay diyaaradaasi iyadoo dadkiisa ay daba joogaan shirkadda Boeing ee diyaaradda farsameysay..

Qoys Kenyaan ah ayaa dacwad dhanka sharciga u gudbiyey magaalada Chicago ee cariga Mareykanka kadib markii shirkadda duulimaadyada ee caalamiga ah ee Boeing ay diyaarad ay leedahay ku qaraxday wadanka Itoobiya.

Qaraxa ku dhacay Ethiopian Airlines ayaa dilay 157 oo diyaaradaasi saarnaa oo ay ku jireen looyerro, iyo dad qaraabo la ah qoyskani.

Walaalaha la dhashay nin Injineer ah oo diyaaradda ku dhintay laguna magacaabi jirey George Kabau ayaa iyagu sheegaya in ay doonayaan in ay shirkadda Boeing ku qasbaan in ay sii deyso dokumentiyada iyo emailyada la xiriir lambarka diyaaradda ee 737 MAX 8 model, taasi oo howlaheeda la joojiyey caalamka oo dhan kadib markii labo diyaaradood ay mid ku qaraxday Indonesia midna ku qaraxday Itoobiya.

Warbixin hordhac ah oo soo baxday bishan horraanteedii ayaa sheegaysa in diyaaradda la tilmaamay ee Ethiopian Airlines ay duuliyeyaasheedu dhowr jeer la tacaaleen kombiyutter diyaaradda ku xirnaa oo ku amrayey in ay diyaaradda deg deg u dejiyaan sababo la xiriira dareemayaasha diyaaradda oo khalad muujinayey.

Isla diyaaradda Indonesia ayaa iyaduna sidoo kale diiradda lagu saaray warbixin hordhac ah taasi oo looga hadlay qaraxii bishii October ku dhacay diyaaradda Lion Air oo ku dulburburtay wadanka Indonesia, halkaasi oo lagu dilay 189 qof.

Qoysas labaatameeyo gaaraya ayaa dacwad ka gudbiyey shirkadda soo saarta diyaaraddahan taasi oo ay sheegayaan in si kas ah la isaga indho tiray cilladaha diyaaradda iyaga oo qoysaskani ay doonayaan in ay muujiyaan in dadka rakaabka ah la dayacay sidaa awgeedna meesha ay ka jirto marxalad iska indho tirid dhanka xuquuqda nolosha rakaabka ah.

Waxaana ay qoyska sheegayaan in arrintan aysan aheyn shil kama ah, ee ay tahay go’aan shirkaddu qaadatay in ay dhegta dhiigga ugu darto boqolaal rakaab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here