Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa xaaladda ka taagan wadanka Suudaan u soo magacowday Nicholas Haysom oo isagu ahaa ergaygii hore ee laga musaafuriyey dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Haysom ayaa Midowga Afrika kala shaqeyn doona soo afjaridda awooda milleteri ee wadanka Suudaan la wareegtay iyo qaabkii dowladda Suudaan ay xukun rayid ah talada ugu wareejin laheyd.

Horey ayaa Midowga Afrika waxa ay ugu hanjabeen in ay ururka ka saari doonaan madaxda millteriga Suudaan isla markaasina aysan milleteriga u ogolaan doonin in ay ka qeybgalaan shirarka Midowga Afrika, ilaa xukunka dalkaasi loo nidaamo qaab rayid ah.

Nicholas Haysom, oo ah looyer u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa horey u soo noqday ergayga gaarka ah ee UN-ku diray wadammada Soomaaliya iyadoo sidoo kale uu ka sooo shaqeeya wadanka Afghanistan iyo labada Suudaan.

Waxaana uu haatan kaalmo ka geysan doonaa dadaallada millteriga Suudaan lagu cadaadinayo in ay xukunka ku wareejiyaan talis rayid ah sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobey Stephane Dujarric.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here