Xalima ayaa lagu heystaa in ay lacago badan u dirtay kooxaha ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq

Xukuumadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay muwaadin u dhashay Kenya kaasi oo la sheegay in uu lacag u xawilay ururka isku magacaaba Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in Xaliima Aadan Cali oo fadhigeedu yahayb dalka ay qeyb ka tahay shabakad gudbisay in ka badan adduun dhan $150,000 (oo marka shillinka Kenya lagu sarifo noqoneysa 15,166,500.11 Ksh) iyada oo haweenaydani ay lacagahaasi sii marsiisay habka xawaaladaha.

Xaliima ayaa Mareykanku ku eedeeynayaa in ay taageero badan la gabar istaagtay ururka ISIS xarumaha uu ku leeyahay Suuriya, Liibiya iyo Bartamaha Afrika.

Haweenaydan ayaa labo jeer oo hore la xiray waxaana la sheegay in ay sidoo kale dad shaqaale ah u abaabuli jirtey mintidiinta ka dagaalama dalka Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa shaacisay in ay qabatay lacagihii loo wadey ururka ISIS waxaana lacagtaasi lahaa Xaliima Aadan Cali iyadoo saraakiisha Mareykanku ay intaa ku dareen in ay is hortaagi doonaan dhammaan dhaqaalaha loo aruurinayo ururada mintidiinta.

Ms Ali ayaa sidoo kale waxaa cunaqabateyn lala saaray 7 ruux oo kale oo fadhigoodu yahay wadammada Belgium iyo Turkey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here