Kenyaanka ayaa baraha bulshada isku dhaafsanaya aaraa kala duwan waxaana ay muujinaan in ay ka soo horjeedaan qorshaha dowladda ee ah in dowladdu goosto qaar ka mid ah mushaharka qofka shaqeeya.

Warkani oo jaraa’idka lagu soo xayeysiiyey Talaadadiia ayaa waxaa wasaaradda guriyeynta iyo hey’adda canshuuraadka ay daaha ka rogeen in kor u qaadidda lacagaha guryaha in ay dhaqan gashay.

Taasi oo uu ula jeeday in qof kasta oo shaqaale ah in uu meel dhigo 1.5 boqolkiiba oo ka mid ah mushaharka hoose ee qofku qaato isla markaasina loo diri doono akownka hey’adda qaran ee horumarinta guryaha.

Ka jarashada muwaadinka laga jarayo lacagtaasi ayaa daba socota kadib markii wax ka bedel lagu sameeyay Enactment of the Finance Act, 2018 iyadoo la tixraacayo hadalkii miisaaniyadda ee baarlamaanka uu ka jeediyey wasiirka maaliyadda Henry Rotich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here