Gudiga Anshaxa iyo Musuqmaasuqa ee EACC ayaa Talaadadii sheegay in 20 barasaab iyo 227 MCA lagu wado baaritaanno la xiriira musuq maasuq lagu tuhmayo.

Agaasimaha Guddiga Anshaxa ee EACC u qaabilsan howlaha ka hortagga Mr. Vincent Okong’o ayaa sheegay in kiisaskani ay yihiin kuwo lacago looga dhacay kowntiyada dalka, iyo xumaato ku tagri fal awoodeed iyo adeegsi dano iska horimaanaya.

Waxa uu Vincent sheegay in eedeeysaneyaasha dacwad lagu soo oogi soono kadib marka ay baaritaannada soo dhammaadaan. Okong’o ayaa arrintan ka shaaciyey kalfadhiga 4-aad ee Sharci-dejinta ee ka soconaya magaalada Kisumu. Halkaasi oo ay ku shirayaanh senatorrada iyo MCA-yada.

Mas’uulku ma aanu magacaabi dadka baaritaannada lagu waxaana uu sheegay in ay liiska ku jiraan gaavanarro iyo MCA-yo badan, sidoo kale waxaa dabagal lagu hayaa jiifaf hore oo kowntiyada katirsan iyo agaasime waaxeedyo kala duwan.

Hey’adda musuqa qaran ee EACC ayaa horey diiradda ugu heysay jiiffka kowntiyada iyo MCA-yada kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay bililiqeystaan maaliyadda loogu talo galay degaannada.

Qofkii ugu dambeeyay ee diiradda la saaro ayaa ahaa gaavanaha Samburu Moses Lenolkulal kaasi oo baareyaasha EACC ay sheegtay inay suurto gal tahay in uu ku lug lahaa xatooyo lagula kacay lacag dhan 84 milyan oo maaliyad ah.

Waxaana la sii daayey bishan Abriil 4-teedii isaga oo lagu sii daayey ilaa 10 milyan oo halka markii hore lagu xukumay in uu bixiyo 100 milyan balse xukunkiisa loogu fududeeyay in uu bixiyo 10 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here