A-Sisi ayaa loogu daray 6 sano oo kale.

Xubnaha baarlamaanka wadanka Masar ayaa Talaadadii ansixiyey isbedello in lagu sameeyo dastuurka dalkaasi Masar.

Dastuurka ayaa ogolaan doona in madaxweyne C/fitaax Al-sisi uu noqdo madaxweyne sii heyn karo talada dalkaasi ilaa sanada 2030, sida ay sheegtay idaacadda qaranku.

Isbedelladani loogu dheeraynayo xilliga uu sii heynayo madaxtinimada dalka Masar ayaa lagu dhawaaqay bishii Febraayo waqtigaasi oo koox ka mid ah baarlamaanka ay soo jeediyeen in xilka loo kordhiyo.

Balse doodo socday kadib ayaa waxaa wax laga bedelay dastuurka, waxaana loo ansixiyey in maadaama uu haatan waqtigiisa u dhammaaday uu ku darsado 6 sano oo kale oo uu sii maamulayo Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here