Beeraleyda North Rift ayaa uga digay dowladda qaran in ay soo dejiso galley si ay u qanciso baahida ka jirta gudaha dalka.

Isaga oo hadlayey maalinimadii shalay kadib kulan ka dhacay xarunta TAC Centre ee kowntiga Eldoret, ayaa beeraleyda waxa ay soo daliishadeen in aysan wasaaradda beeraha u ogolaan doonin in ay soo dejiso galley ka timaada wadanka dibadiisa, waxa ay sheegeen in haddii ay arrintan ogolaadaan ay iyaga ka saari doonto suuqyada iyo in ay galleyda ay dalka ka soo goostaan ay suuqyada ku iibiyaan.

Dr Joseph Misoi, oo ah beerfalato ka soo jeeda degaanka Kesses, ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay caawiso beerfalatada degaannada halkii shaqsiyaad lagu maalgelin lahaa in ay galley dibadda ka soo dejiyaan.

Dr Joseph ayaa yiri: “Dowladda ayaa uu sheegay in ay sii waday in ay dhibaateyso beeraleyda gudaha kuwaasi oo iyagu juhdi ugu jira in ay nolol maalmeedkooda meel saaraan. Saraakiisha dowladdu waa in ay booqdaan beeraha gudaha si loo xaqiijiyo tirada galley inta ay la egtahay,”

Sidoo kale xildhibaanka laga soo doorto degaanka Moiben MP Silas Tiren ayaa wax xun ku tilmaamay in dowladdu ay xaqirto beerfalatada muwaadiniinta ah waxaana uu ka horyimid hamiga dowladda ee ah in ay galley ka soo degsato wadammada qurbaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here