Qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa markani doonaya in la mamnuuco dhaqdhaqaaqa Tanga Tanga oo ah koox baarlamaanka ka tirsan oo taageerta isa soo sharixidda madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ee sanadka 2022-da.

Xildhibaannada haatan hadlay ayaa ah 8 xildhibaan waxaana ay sheegeen in kooxdaasi Ruto taageerta ee Tanga Tanga ay dalka geliyeen marxalad ku dhisan hadallada naceybka ah.

8-dani xildhibaan ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku eedeeyay xildhibaannada Tanga Tanga ee Ruto in ay dalka ku faafiyeen hadallada naceybka ku dhisan, isla markaasina ay fowdeynayaan heshiiskii -isgacanqaadka loo yaqaan- ee dhex maray madaxweynaha iyo hogaamiyaha mucaaradka dalka.

Xildhibaanada ayaa ka hadlayey daarta baarlamaanka waxaana ay soo daliishadeen weerarkii afka ahaa ee dhowaan dhex maray xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha COTU Mr Francis Atwoli kooxda Tanga Tanga ee xildhibaannada ah ee Ruto taageerta.

Waxa ay ugu dambeyn dowladda ugu baaqeen in la mamnuuco isku soo baxyada iyo hadallada ay munaasabadaha ka sheegaan kooxdaasi Tanga Tanga, iyagoo tilmaamay haddii ay sii wadaan hadallada in ay khatar gelin karaan xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here