Wasiirka waxbarashada dalka Professor George Magoha ayaa digniin u diray madax ku xigeennada jaamacadaha dalka ee iyagu doonaya in ay soo bandhigaan barnaamijyo aan munaasib u aheyn dhaqaalaha dalka.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu soo bandhigayey natiijooyinka jaamacaha iyo koleejooyinka ayaa wasiirku sheegay in in la maalgeliyo jaamacadaha ay ku imaan karto oo keliya sida ay jaamacaduhu u kala fiican yihiin.

Ilaa 314 ardey ah oo heshay darajooyinka A ee dugsiyada sare ayaa munaasabadda laga sheegay in ay yihiin kuwo maskax wanaagsan u leh waxbarashada.

Waxaana ardeydani ay yihiin kuwo laga bixinayo lacagaha jaamacadaha iyaga oo la amaanay sida ay u kala doorteen maadooyinka ay ka baranayaan jaamacadaha. Waxana goobta laga sheegay in ay doorteen maadooyinka ay ka midka yihiin caafimaadka iyo qalliinka, maadada sharciga, injineeriyadda iyo howlaha kombiyuuteerrada, farmashiga, maadada kalkaaliyaha caafimaadka iyo maadada jaamacadeed ee sahanka iyo tayada.

Wasiirka ayaa sheegay in jaamacaduhu aaney aheyn goob la isku shaqaaleeyo qaab qabiil ama jufo ama nidaam siyaasadeed waxaana uu ku booriyey in dadka aqoonta leh ay shaqaaleyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here